U bood dhigaalka

Maxay Qaramada Midoobey Ka Tiri 3 Sano Kadib Qaraxii Zoobe?

Sheeko:Amniga

Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa arbacadii waxaa ay xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay hay’adda adduunku u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Goobjoog News