U bood dhigaalka

Maxay Soo Kordhin Karaan Hoggaaanka Cusub Ee Loo Magacaabay Ciidanka?

Sheeko:Dalka

Maalintii shalay ahayd, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyeyaasha ciidamada Booliiska, Xoogga dalka iyo NISA, waxaana xilalkii laga qaaday kuwii hore.

Hadaba su’aasha meesha taalla ayaa waxay tahay maxay soo kordhin karaan hoggaankaan cusub ee ciidanka qalabka sida loo magacaabay.

Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka, ayaa mar uu la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in aysan wax badan soo kordhin doonin haddii aaney la imaan qorsheyaal cusub.

Waxa uu tilmaamay in aanu wax keenin shaqsi cusub ee xil loo magacaabay, balse ay wax keento haddii shaqsiyaadka la magacaabay ay keenaan qorsheyaal aad uga bedalan sidii hore ee ay wax u socdeen.

“Horta waa muhiim in la helo isbedal ka duwan sidii hore, laakiinse waxbo masoo kordhineyso in hoggaan cusub la magacaabo, haddii aanu jirin qorsheyaal wax looga qabanayo amniga guud ee dalka iyo sidoo kale weerarada lagu qaadayo nimanka Al-shabaabka ah” ayuu yiri Korneel Shariif.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khamiistii shalay waxa uu ku dhawaaqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana shacabka waxa uu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Goobjoog News