U bood dhigaalka

Maxay Tahay Qorshaha Midowga Afrika Ku Dhimmayaan Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

AMISOM ayaa sheegtay in ay dhammeeyeen qorshaha xil wareejin ah ee ciidamadooda oo fulintiisa ay ugu horreyso sidii Al-shabaab looga saari lahaa meelaha ay joogaan sida ku cad heshiiska amniga qaranka ee la gaaray April 2017-dii.

“Waa in laga sii doodo diyaar-garowga ergada midowga Afrika ee Soomaaliya sida dadka shaqeeya, lojistikada, iyo qaabka loo fulinayo tababarada” sidaasi waxaa sheegay madaxa ciidamada AMISOM Lt. General Jim Beesigye Owoyesigire.

Ku-xigeenkiisa Major General Charles Tai Gituai oo hadlayey waxaa uu sheegay in ujeedka ahaa sida loo mideyn lahaa ciidanka iyo hoggaanka furamaha jooga, loo dhageysan lahaa, loona ogaan lahaa waxa dhabta ah ee jira si aan dib u eegis ugu sameyno habka ciidanka.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka ergeyga madaxa midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo  ayaa sabtidii sheegay in hoggaanka militariga AMISOM ay bilaabeen dhaqan-gelinta sidii awoodda u wareejin lahaayeen, taasi ay tahay fulinta qaraar golaha ammaanka ee ahaa in si aayar ah ciidamada loo dhimo.

Mulongo ayaa intaasi ku daray in qorshaha ay qeyb ka tahay qaabkii loo jabin lahaa Al-shabaab, si aaney khatar ugu noqon ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Wax walba oo aan qabaneyno waa in uu ku wajahnaadaa dhanka xil wareejinta, Qorshayaasha sectors iyo kuwa unugyada ciidanka waa in lagu saleeyaa qaabka uu ku dhici lahaa xil wareejinta” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska AMISOM.

Mulongo waxaa uu hadalkan ka jeediyay mar uu ka hadlay kulan ay yeesheen hoggaanka qeybaha kala duwan, waxaa ujeedka ahaa xil wareejinta AMISOM iyada oo laga ambaqaadayo qaraarka golaha ammaanka ee dhammaadkii 2017.

Saraakiisha AMISOM waxaa ay sheegeen in qorshaha bixitaanka uu wejiyo badan yahay, mid hore oo 4 sano qaadanaya waxaa la qiyaasi doonaa sida Soomaalida ugu guuleysato doorasho qof iyo cod ah 2020-ka, oo haddii lagu guuleysto ay kun askari bixi-doonaan October.

Goobjoog News