U bood dhigaalka

Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Erdogan u Banaajiyay Ololihiisa Doorasha?

Sheeko:Caalamka

Gudaha maanta oo Khamiis ah iyo Arbacadii waxaa dib u dhacay dibaxyo Ololaha doorashada dalkaas uu qaban lahaa Recep Tayyip Erdogan madaxweunaha dakaas ayaa dib u dhac uu ku yimid, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sababta ka dabeysa in la baajiyo mudaraadyada taageerayaasha madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun, Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista.

“Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta. Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda, waxaana dhanka kale xusid mudan in madaxweynah uu ku guuleystay in Turkiga uu u yeelo aragti ka duwan Galbeedka.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, isagaoo wajahaya loolan adag oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka ee calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu, kaasi oo matalaya isbaheysi ay ku midoobeen xisbiyada mucaaradka.

Goobjoog News