U bood dhigaalka

Maxay Waxbarashada Uga Bilaaban La’dahay Iskuulka 15 May ?

Sheeko:Dalka

Qunsulka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdy oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa sheegay in iskuulka 15 May u xayiran yahay oo qura furitaanka madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu xarigga ka jaro bilaabashada waxbarashada ee Iskuulkaasi.

Qunsulka oo hadlayey waxaa uu sheegay“Iskuulka 15 May waxaa naga soo waajahay carqalado farabadan, intii aan ka bilaabaynay diyaar garowga, maxaa yeelay waxyaabo badan ayaa u baahnaa inaan u diyaar garownno sida; fasallada, deegaankii ardayda, yunifoomka ardayda, arrimahaas oo dhan waan dhameynnay.”

Qunsulka ayaa intaasi raaciyay in hadda waxa la sugayaa un ay tahay furitaanka Madaxweyne Farmaajooo la doonayo inuu xarigga ka jaro:

“Waxa na dib dhigayna waa diyaargarowgaas, hadda dhammaan fasalladii waa diyaar, iskuulkiina sidoo kale waa loo diyaariyay dhamaan waxyaabihii loo baahnaa, waxaa xitaa dhammaynnay diiwaangelinta arday tiro badan, sida ugu dhakhsiyaha badan ayaana waxbarashadii u bilaabaneysaa. Laakiin waxaan sugeynaa in madaxweynuhu uu furo iskuulka sida aan isla meeldhignay duqa magaalada Muqdisho oo dadaal badan nala galay sidii aan diyaarowgaa u dhameystiri lahayn.”

Si kastaba, August 14, 2017 ayay ahayd markii iskuulka si  wadajir ah ay xarigga uga jareen guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Axmed iyo qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Safwat El-Mahdy iyadoo xilligaa qunsulku uu ballanqaaday in bisha September, 2017 iskuulka waxbarashadu ka bilaaban doonto.

Goobjoog News