U bood dhigaalka

Maxay Xoogga Saareen Murashaxiinta Madaxtinnimada Puntland?

Sheeko:Dalka

Waxaala soo  gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland ka hor jeedinayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

21-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay xildhibaanada Puntland.

Khibradda mid weliba uu sheegtay marka laga soo tagto waxaa ay ka hadleen: arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska Puntland, inta badan waxaa ay xoogga saareen sidoo kale amniga sida: dib u dhiska, qalabeynta iyo wanaajinta nolosha ciidanka,  la-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish iyo xoreynta waxa ay ugu yeereen dhul maqan.

Ciidanka la qorsheynayo dib u dhiskiisa waa  Ciidanka Daraawiishta, waxaa qaarkood soo qaateen qarameynta ciidan beeleedyada, xoojinta ciidamada sirdoonka iyo xuuraanka, casriyeyta ciidanka booliiska iyo ciidamada kale

Xiriirka dowladda federaalka ah ayaa ka mid ahaa arrimaha ay ka hadleen, intooda badan waxaa ay sheegeen in Puntland xuquuqdeeda ay lama taabtaan tahay, lana ixtiraamo dastuurka Puntland.

Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka dadka, dhulka iyo badda ayaa ka mid ahaa meelaha ay xoogga saareen murashaxiinta.

Berri ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland maamuli lahaa 5-ta sano ee soo socota.

Goobjoog News