U bood dhigaalka

Maxbuus Lagu Dhex Diley Saldhigga Degmada Maxaas

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in saakay nin maxbuus ah lagu dhex diley saldhigga degmadaasi.

Ninkaan la dilay ayaa ku eedeysnaa Al-shabaab-nimo, waxaana la sheegay in dilka uu ka dambeeyey nin kamid ah Maleeshiyaadka hubeysan ee degmadaasi ku sugan, kaasi oo saldhigga ugu soo dhexgalay Maxbuuska.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Maxamuud Maxamed Xalane oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegy in ciidamada ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka ka dambeeyey, islamarkaana baaritaan lagu wado.

Ninka wax dilay ayuu sheegay in habeenkii xalay ahaa Aabihiis ay Al-shabaab ku dileen deegaanka Moqokori, sidaasina ay keentay in maxbuuska uu kusoo weeraro misane ku dilo.

“Ninka maxbuuska ah ee la dilay waxa uu ku eedeysnaa Al-shabaabnimo, annaga shacab baan ku ogeyn, balse aabihiis ayaa Al-shabaab ah, waa lasoo eedeeyey sidaas ayaan kusoo xirney, nin kamid ah Macawiisleyda (Maleeshiyo hubeysan) oo aabihiis xalay ay dileen Al-shabaab ayaa saldhigga yimid, waxaana u suuragashay inuu toogto maxbuuska” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhacdadan ka dhacday saldhigga degmada Maxaas ayaa shacabka ku dhaqan degmadaasi waxay yihiin kuwo aad u hadal haya.

Goobjoog News