U bood dhigaalka

Maxey Tahay Sababta Loo Heli Waayey Makhluuqaadka ET Ee Xidigaha Ku Nool?

Caalimka theoretical Physicist ah ee la yiraahdo Alexander Berezin ayaa daaha-ka-rogan  sababaha noole duni kale ku nool loo heli waayay iney tahay in cid tirtirtay ay jirto oo gebi ahaanba cagta marisay.

Berezin oo wax ka dhigga Jaamacadda Cilmi-baarista Waddaniga ah ee Teknolojiyada electronic ah ee Ruushka ayaa faafiyay cilmi-baaris uu ugu magac daray fahamka aragtida “Fermi Paradox”, waxaana uu yiri: “Ma aaminsani in ilbaxnimo horumarsan ay wax baabi’ineyso, sida ay u badan tahay si kama’a ah ayey u baabi’iyeen, waa si la mid ah marka dhismo la dhisayo waxey la burburiyaan gododka quraanjada iyadoo aan lagu baarugsaneyn, lagana taxadareyn in la badbaadiyo”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey haddii ay aadnaha u suuraggasho iney duni kale qabsadaan, ay meesha ka saari doonaan noole kasta oo kula tartama deegaanka cusub, haddiise ay arrintaasi dhici weydo, waxaa suuraggal ah in aadanaha ay cid kale ciribtirto, ha noqdaan noole kale ama computer-ka xilliga uu is ballaarinta bilaabo!.

Waxa uu tilmaamay wadada kaliya ee aadanuhu isku badbaadin karo ee u furan iney tahay in uu isagu duullaan ku qaado xidigaha.

Goobjoog News