U bood dhigaalka

Maxkamad Kenya Ah oo Diiday In Ay Kenya Ka Baxdo Dacwada Badda

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taal dalka  Kenya ayaa diiday  codsi ahaa in Kenya ka baxdo ka qeybgalka  maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku saabsan muranka dhinaca badaha ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamada Sare ee Kanyi Kimondo, Robert Limo and Anthony Mrima ayaa xusay Jimcihii in arimiha ay dalbanayaan codsadayaasha lagu raadin doono si hufan, oo qaab diblomaasiyadeed ah halkii ay maxkamad go’aan ka gaari laheyd.

20 ka mid ah codsadeyaasha ayaa ku dooday in ka soo qeyb galka Xeer ilaaliyaha guud ee dacwadu ay noqonayso mid xadgudub ku ah madaxbannaanida Kenya.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in Kenya ay qeyb ka sii ahaato dacwada taala maxkamadda ICJ taas oo aan waxba iska badalin.

Kenya ayaa ku dooday, si kastaba ha noqotee, in kiiska aan laga dhageysan maxkamadda ICJ, oo ay sheegtay inay tahay mid adag oo laga yaabo inaysan xallin karin arrimaha siyaasadeed ee ku xiran kiiska.

Taas bedelkeed, waxay u martay midowga Afrika iyo meelo kale, iyagoo raadinaya wada xaajood ka baxsan maxkamad.

Goobjoog News