U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Taalo Koofur Afrika oo Amartay in Al-bashiir aanu Dalkaasi Ka Bixi Karin

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalo dalka Koofur Afrika ayaa maanta Axad ah ku amartay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir in aanu dalka ka bixi Karin ilaa amar dambe kadib markii urur Maxali ah uu dacweeyay Al-bashiir

Bashiir ayaa ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika ee ka dhaca Johannesburg kaas oo ay ka qeyb galayaa Madaxda iyo Mas’uuliyiinta 54 dal oo Afrikaan ah.

Madaxweynaha Suudaan ayaa loo heystaa falal Dambiyeed ka dhan ah Banii’aadanimada oo ka dhacay Darfur, 2009-kii ayey Maxkamadda Dambiyada amartay in la qabto Al-bashiir lakin ilaa iyo hadda laguma guuleysan.