U bood dhigaalka

Maxkamad Ku Talla Mareykanka Oo Xukun Ku Riddey Dhallinyaro Kale Oo Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed waxa ay ku riddey xakunno kala duwan, kadib markii dhallinyaradaasi lagu eedeeyey iney ku biiri rabeen kooxda Daacish.

Dhallinyaradan oo lagu kala magacaabo Xamse Axmed oo 21, sano jir ah iyo Hanad Muuse oo isna 21-sano jir ah ayaa lagu kala xukumay 15 sano iyo 10 sano oo xabsi ah kadib markii ay qirteen dacwadda loo heystay.

Michael Davis oo ah xaakimka maxkamaddan oo ku dhowaqaayey xukunka ayaa sheegay in dhallinyarada baaritaan dheer oo lagu sameeyey kadib ay qirteen iney doonayeen iney u safraan dalalka Ciraaq iyo Siiriya si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Dhallinyaradan iyo kuwo kale ayaa laga soo qabtey garoomada diyaaradaha ee dalka Mareykanka, waxaana la hayey muddo badan si baaritaan loogu sameeyo.

Maxkamaddan ayaa shalay waxay sidan oo kale xukun ugu riddey Labo dhallinyaro Soomaaliyeed oo iyaguna isla kiiskan lagu eedeynayey.

Xabsiyada ku yaalla dalka Mareykanka waxaa ku jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana intooda badan lagu heystaa iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab, ama ay ku biiri rabeen Daacish.

Goobjoog News