U bood dhigaalka

Rag lagu tuhmayo Al-shabaab oo la horkeeni doono Maxkamada ciidamada maamulka Jubba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoMaxkamada ciidamada maamulka Jubba ayaa sheegtay in dhawaan ay cadaaladda horkeeni doonaan rag ay ku sheegeen in ay ka mid yihiin Al-shabaab, kuwaa oo dhawaan ay kusoo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Gudoomiyaha maxkamadaasi Sheekh Xasan Ibraahim Isaaq oo u Waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in hadda ragaan ay hayaan lagu wado baaritaano, gacanta ay ugu jiraan Nabad sugidda maamulka Jubba.

“Hadda waxaa gacanta ku haaya Nabad sugidda, tiradoodana iyaga ayaa og, laakiinse waxaan rabnaa maanta ama berri in cadaaladda la hor keeno”

Shalay ayaa maxkamadaan waxa ay dil toogasho ah ku fulisay askari ka mid ah maamulka KMG ee Jubba, kaa oo horay magaaladaasi dil uga geystay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News