U bood dhigaalka

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo dil ku fulisay saddex ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:War

Maxkamada sare ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka Magaalada Muqdisho dil ku fulisay sadex qof oo ay ku heshay eedeymo la xiriira inay qeyb ka yihiin Al-Shabaab, maxkamada ayaa labo maalin ka hor xukun dil ah ku riday saddexdan qof.

Dilkan toogashada ah ayaa ka dhacay fagaaraha Akadeemiyadda ciidanka ee Jeneraal Kaahiye oo ay dadku u yaqaanaan iskool boliisiya ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo kuwa maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goobjoog ku ahaa fagaaraha Iskool Boliisiya,

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo shir jaraa’id ku qabtay goobta ayaa sheegay in raga la toogtay ay ku eedeysanayeen dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday goobo ay ka mid ahaayeen madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Raga la toogtay ayaa kala ahaa:

Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo ku eedeysnaa dil degmada Dharkeynley loogu geystay xildhibaan Cabdi Casiis iyo sarkaal ka tirsan wasaarada maaliyadda.

Qofka sadexaad ee la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Muxidiin oo ku eedeysnaa weerarkii u dambeeyay ee lagu qaaday madaxtoyada Soomaaliya.

Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay maxkamada horteeda ku qirteen danbiyada ay galeen.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maalmahan dardar xoog leh galisay fulinta xukunnada dilka ah ee lagu helo dadka ku eedeysan dilalka.