U bood dhigaalka

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukunno Ku Riday Rag Lgu Soo Eedeeyey Dilkii Taliyihi Ciidamada Gorgor

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda,  halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Goobjoog News