U bood dhigaalka

Maxkamadaha Gobolka Sh/dhexe Oo Sheegay Inay Ku Shaqeeyaan Daruufo Adag

Sheeko:Dalka

Garsoorka waa waxa ugu muhiimsan maamul meel ka jira sidoo kalana waa goobta ugu sarreysa oo loo laabto markii ay dadka dacwadaha isku qabsadaan.

Gobolka Sh/dhexe xilligaan waxaa ka howlgala Maxkamado dhowr ah, Maxkamadda Gobolka Sh/dhexe iyo midda degmada ayaa ah kuwa ugu badan ee qaada dacwadaha.

Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka waxaa uuna Goobjoog News uga warramay sida loo hirgaliyey Maxkamadda Wareegta.

“Waxaa la hirgaliyey bishii Luulyo 2017-da waxayna qaaday shan Kiis waxaana Kiiska koowaad laga bilaabay magaalada Balcad, dhammaantoodna waxay ahaayeen Kiisas Madani ah”.

Garsoorayaasha Maxkamadaha gobolka Sh/dhex ayaa sheegay dhankooda in xilligaan ay ku shaqeeyaan Daruufo adag, waxayna baaq u direen dowladda dhexe kaasi oo ku aadan in la wanaajiyo xaaladdooda.

Goobjoog News