U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidama Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Fulisay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun dil ah ku fulisay Yuusuf Xuseen oo ku eedeysnaa inuu dilay Taliyahii ciidanka Nabad sugidda Sh/dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.

Yuusuf ayaa saakay lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana halka dilka lagu fulinayey ku sugnaa mas’uuiyiinta sare ee maxkamadda iyo saraakiil ciidan.

Maxkamadda ayaa Yuusuf horey ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii uu magaalada Jowhar ku diley C/weli Ibraahim oo ahaa taliyahii Nabad Sugidda Sh/dhexe taariikhdu marii ay ahayd 21-ka bishii June 2016.

Yuusuf ayaa kamid ahaa ciidanka dowladda, wuxuuna taliyaha ku diley xarun ay ciidamada Nabad sugidda ku lahaayeen Jowhar xilli habeen ah.

Goobjoog News