U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta Dil Toogasho ah Ku Fulisay Rag Dambi Lagu Helay

Sheeko:Dalka

dil toogasho ahMaxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey sadex nin oo horay maxkamaddu ugu heshay in ay dil geysteen, islamarkaana dil lagu xukumey.

Dadka dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa ka mid ahaa Ibraahim Cali oo lagu helay dilka wiil filim qaade ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Maxamed Maxamuud Cali, waxaa kale oo lagu helay dilka Dable Cali Mambuuq. Waxaa kale oo la toogtay Cabdullaahi Cartan Maxamuud oo ka tirsan ciidamada dowladda, laguna helay dilka Axmed Cabdiraxmaan Shariif.

Cabdifataax Axmed Cabdi ayaa toogasho lagu fuliyay, waxaana lagu helay dilka Maxamuud Xassan Maxamed.

Qaar ka mid ah waalidiinta dadkii ay dileen nimankani la toogtay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin caddaalada la marsiiyay dadkii ka dambeeyay dilka ubadkooda.

Goobjoog News