U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Ridday Xukun

Sheeko:Amniga

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha dagaalyahanada Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa dagaalamayaasha sida kediska ah u weerarta fariisimaha Ciidamada dowladda federaalka.

26-kii September 2019 ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray dagaal Al shabaab iyo ciidanka Dowladda u dhaxeeyay.

Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro

Caafimaad kadib ayaa markale loo gacan geliyay hey’adaha baarista, waxa ayna baaritaan dheer kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida horraantii November sanadkii hore.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiskan markiisii hore ka soo galay hey’adaha Amniga, waxa ayna 3-dii February sanadkan dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle.

Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii February in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isaga iska leh fursadda hore ee hab raaca dacwadda ayaa Garsoorayaasha u sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira, waxa ay intaas ku dareen in uu ka qeyb galay weeraro kale oo ka kala dhacay Bariire, Buulo Mareer, Baraawe, Golweyn laga soo bilaawo xilligii uu Al shabaab kaga biiray degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose sanadkii 2010 .

Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidaneen.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Goobjoog News