U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Ridday Xukunno Kala Duwan

Sheeko:Amniga

Maxakamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay Dacwad ciqaabeed Dhallinyaro loo heysto Burcadnimo hubeysan ayaa ku kala ridday xukunno kala duwan.

Maxkamaddu waxay Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa haddii uusan jirin dambi kale sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Dhallinyadaasi ayaa aheyd koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka qaar ee gobalka Banaadir ayaa horay cabasho xoog leh waxa ay uga muujiyeen dhalinyaro ay sheegeen in ay ka furan jireen inta badan taleefanada gacanta, waxa ayana sheegeen in ay qaati ka taagnaayeen dhalinyaradaasi.

Goobjoog News