U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Toogasho Ku Fulisay Askari Ka Tirsan Ciidaamada

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka side qeybteeda 27-aad ayaa maanta oo isniin ah xukun qisaas ah  ku fulisay dable ciidanka xoogga dalka Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” kaas oo horay dil ugu geeystay degmada Luuq Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa wada moota bajaaj.

Kiiska dhageysiga eedeysanaha oo muddo dheer soo socday ayaa maxkamadda dhawaan ay ku xukuntay dil toogasha ah, taas oo ah qisaasta marxuum Marxuum Sugow Gaarane Ciyow.

Maanta oo isniin ah ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ay fagaaraha weyn ee barxadda toogashada degmada luuq ay maanta ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor”.

Goobjoog News