U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Ridday Eedeysane

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay xukun xabsi ah ku ridday Muuse Axmed Maxamed oo lagu soo eedeeyay in Al shabaab uu qaabilsanaa farsamada waxyaabaha qarxa sida bombada gacanta laga tuuro ee loo yaqaan F1-ta.

Sida lagu qoray warbaahinta dowladda ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October  ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed  Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019  isaga oo uga  soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

15-kii February sanadkan ayuu codsaday xafiiska xeer ilaalinta mudeynta kiiska ka dhanka eedeysane Muuse Maxamed  Axmed  waxa ayna Maxkamadda  muddeysay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed  Axmed 24 February sanadkan.

Abukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto maadama uusan aqoon ulaheyn wax yaabaha lagu soo qabtay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan, waxa uu sheegay in qof kale uu usoo qariyay Muuse Maxamed Axmed.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed  Axmed  10-sano oo  xabsi ciidan ah  sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha waxa uu haystaa fursad u ku qaadan karo facfaan muddo 30 cisho ah.

Goobjoog News