U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Kala Duwan Ku Ridday Eedeysanayaal

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa go’aan ay soo saartay waxa ay xukunno kala duwan ku ridday rag horey loogu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka Allaha u naxariistee Shaafici Xaaji Diiriye oo 28-kii Maarso lagu dilay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Waxaana maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye, ka dib dhageysi ay sameysay maxkamadda markii xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ay maxkamadda hor geeyaa cadeymo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed Cabdiwali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas lagu magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye.

Dilka marxuum Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28-kii bishii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.

Goobjoog News