U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Kala Duwan Ridday

Sheeko:Amniga

Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhinaca kale Xasan Luqmaan Xuseen ayaa isagane waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanyahay Al shabaab, waxaana xafiiska xeerilaalintu ay sigaara Xasan Luqmaan ugu eedeysay in uu wakiileed wareed u ahaa Raadiyaha ku hadla afka Al shabaab.

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana Xasan lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Goobjoog News