U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Xukuntay 54 Qof Oo Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan waxa ay ku riddey 54 qof oo ka mid ahaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo gacanta ugu jirey Puntland.

C/xakiin Xasan Firdhiye oo ah xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in 28 ka mid ah ragga la xukumay ay da’dooda u dhaxeyso 15 illaa iyo 18-sano jir, laguna xukumay xabsi u dhaxeeya 15 illaa iyo 20 sano.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay xukuntay 26 ka mid ah carruur ka barbar dagaallameysay Al-shabaab, islamarkaana da’doodu u dhaxeysa 10 illaa iyo 15 sano jir kuwaa oo iyagana maxkamadda go’aamisey in  dhaqan celin loo sameeyo maadaama aaney qaangaar ahaan.

Maxaabiistan la xukumay ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee ka tirsan Xarakada Al-shabaab islamarkaana ciidanka Puntland kasoo qabteen dagaallo ka dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Maxkamadda ayaa horay dil ugu xukuntay 43 ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana wadarta maxaabiista ka tirsan Al-shabaab ee Puntland xukuntay gaarayaan 97.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News