U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Askari Qof Shacab Ah Ku Dilay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa xukun dil ah waxay ku xukuntay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in maalin kahor uu qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xukunkaan waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida Korneel Xasan Cali Nuur Shuute.

Akariga xukunkaan lagu riday ayaa lagu magacaabaa Bayaan Ibraahim Mursal, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida uu kusoo eedeeyay in si bareer ah uu u dilay Marxuum Cabdullaahi Maxamed Aadan, kaasi  oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysanaha uu maxkamadda horteeda kahor qirtay inuu ku dhuftay Marxuumka Seddax Xabadood oo uu u dhintay, sidoo kalena marqaatiyaasha eedeysanaha ay taasi cadeeyeen.

“Maxkamadda waxaa u cadaatay in dambiile, Gacan ku dhiigle Bayaan Ibraahim Mursal uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri Guuddomiyaha.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale waxay horay u xukuntay askar badan oo lagu soo eedeeyay inay geysteen dilal kala duwan oo shacab iyo ciidan kaleba u geystaan.

Goobjoog News