U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay G/sare C/naasir Xoosh

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxay xukun dil ah ku riddey G/sare X. C/naasir Xoosh Axmed, kaasi oo ku eedeysnaa dilka Ex- Sarreeyo Guuto Saciid Aadam Yuusuf (Saciid Mariino).

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Xoosh lagu helay dambiga dilka ah, ka dib markii maxkamadda la horkeenay marqaati iyo caddeymo ku filan kiiskaasi.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Maxakamadda waxaa u caddaatay in G/Sare X. C/naasir Xoosh Maxamed uu yahay dambiile galay dambigii lagu soo oogay, maxamaduna ku riddey xukunka ah:-

  • Waxay ka xayuubisay darajadii uu sitay oo ahayd G/Sare
  • Waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, taasi oo ah qisaasta marxuum Ex- Sarreeyo Guuto Saciid Aadam Yuusuf (Saciid Mariino)

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay, haddii ay jiraan cid aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda inay racfaan qaadan karaan.

Goobjoog News