U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Dil Ah Fulisay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxay xukun dil ah ku filasay askari ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA oo la sheegay in uu horay qof shacab ah u dilay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maxkamadda 4-ta bishii July 2015 ay u fariisatay maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida dacwad ciqaabeedka loo haystay Ex-dable NISA Mustaf Maaxi Dooyow oo da’diisu ahayd 26-sano jir, kaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeysay inuu si bareer ah u dilay marxuum la oran jiray Maxamed Qaasim Barow, dilkaasi oo ka dhacay degmada Dayniile 10/2/2015, waxayna maxkamadda ku xukuntay in uu bixiyo diyadii marxuumka uu dilay iyo xabsi ciidan.

Eedeysanaha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii ay ku ridday maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida, waxaana mar kale dacwadiisii u fariisatay maxkamadda sare ee ciidanka Qalanbka sida oo ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah.

“Taariikhdu markii ay ahayd 12/07/2015 waxaa rafcaan ka qaatay xukunka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhinaca dhibanaha, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 19/09/2015 ay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida markale u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay gacan ku dhiigle Ex-dable NISA Mustaf Maaxiye Dooyoow, waxayna ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamed Qaasim Barrow” Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sidaasi yiri.

Xukunkaan fulintiisa ayaa ka dhacay barxadda Iskool Boliisiyo, waxaana maxkamadda ay sheegtay in cid walba oo dambi gasha cadaaladda la horkeeni doono.

Goobjoog News