U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Ku Riddey Lix Ruux

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun gaaraya min 10 sano ku ridday eedeeysanayaal lagu eedeeyay in ay yihiin burcad hubeysan oo dadka kunool Muqdisho dhac u geysan jiray.

Ragga ay Maanta Maxkamadda xukunka ku ridday ayaa lagu kala magacaabaa

1-Cabdi wali Ibrahim Cumar

2-Xaamud Muxudiin Cabdulle

3-C/casiis Cumar Maxamed

4-Muuse Xasan Jibriil

5-Xasan Kurtun calasow

6-Maxamed Daahir Cabdulle

Iyadoo laba ka mid ah ragaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Daahir Cabdulle (Shiil) iyo Cabdi Wali Ibrahim Cumar (Shawey) ay  ka baxeen xabsiga dhexe oo ay ku dhameysteen xukunno maxkamaddu horey ugu riddey

Markii ay soo gabagabowdey maxkamadeenta Lixdan nin ayaa waxa warbaahinta xukunadii lagu kala ridey fal danbiyeed-yada lagu so eedeyey u aqriyey warbaahinta Guisdoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Shuute ayaa warbixinta dambiyada raggan loo haystay kadib waxa uu yiri “Maxkamaddu waxay sii Laba jibaraysaa sidii ay u qaban lahayd dambiilayasha”

Sida laga soo xigtay Maxkamadda raggan Lixda ah dhamaantood waxa ay ahaayeen koox burcad ah oo dadka ka furta waxay wataan , habeenkiina u booda guryaha.

Goobjoog News