U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Riddey Xukun Isugu Jira Dil Iyo Xabsi

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Arbaco ah waxay xukun dil toogasho ah iyo sidoo kale xukun Xabsi madaxaaga haku furto ah ku kala riddey Saddex eedeysane oo ku xirnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Raggan la xukumay ayaa loo haystay iney ka dambeeyeen dil Todobaad kahor Masjid ku yaalla magaalada Baydhabo loogu geystay Sheekh Madeer Sheekh Madgaab oo kamid ahaa culimada magaaladaasi, dhanka kalena wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa xukunka ku dhowaaqay, waxaana eedeysanayaasha loo kala xukumay sidan:

  • Maxamed Aadan Cali Boorow (Dil Toogasho Ah)
  • Soomow Cali Aadan Ilka Case (Xabsi Daa’in)
  • Xasan C/laahi Ibraahim (Xabsi Daa’in)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa marar badan sidan oo kale u xukuntay rag lala xiriirinayo Al-shabaab iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Goobjoog News