U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Toogatay Maxamed Aadan Cali Boorow

Sheeko:Amniga

Maxakamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Maxamed Aadan Cali Booroow oo horay Baydhabo qof ugu dilay

Guddoomiyaha maxkamaddan, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Goobjoog u xaqiijiyey toogashada Boorow.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in Boorow uu sanadkii hore ee 2017 masjid ku yaalla magaalada Baydhabo ku dhex diley Sheekh Madeer Mad Gaabow Caliyow.

Toogashadan ayaa ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale horey waxay dil ugu fulisay xubno ku eedeysan Al-shabaabnimo iyo sidoo kale askart ka tirsan dowladda oo dil geystay.

Goobjoog News