U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riddey

Sheeko:Dalka

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday C/llaahi Cali Aaden oo qeyb ka ahaa weerar Sanad ka hor lagu qaaday Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday -, Cabdullaahi Cali Aadan, wuxuuna xukunkaan dhacay maalintii shalay ahayd.

Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weerarro iyo dilal loo geystay Askar ka tirsanayd Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo DadShacab ah.