U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 qof oo lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshabaab.

Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin Alshabaab iyada oo Maxkamadda ay ku kala riday xukunno kala duwan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee kala ah Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale ah Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu  sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Goobjoog News