U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ridday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riddey shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab, sidoo kalena u kala gudbin jiray hubka.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan lagu yiri:

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary  sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada.

Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu  ugu  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd  markii sedaxaad ay  suura gashay in ay  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeedii  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u  horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.