U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Ku Ridday Lix Qof Oo Ku Edeysan Dilkii Wariye Hindiyo Xaaji

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka ayaa maanta xukun ku riday Lix qof oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dilkii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ku geeriyootay qarax gaarigeeda loogu xiray 3-dii December 2015.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee cidanka Qalabka sida gaashaanle dhexe  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunkaan oo isugu jiray Dil toogasho ah, Xabsi Daa’in iyo xabsi Shan Sano ah:-

C/risaaq Maxamed Baroow Cadoow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, Maxkamadda  waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.

Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.

Goobjoog News