U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Riddey

Sheeko:Amniga

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay  ku dhinteen dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo maraayay waddada Bacaacow ee degmada Afgooye halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  Labadii bishii kow iyo tobneed ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay in ay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana saddax  cisha kadib loo ballamay in loo fariista Maxkamadeynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedax dhibane ee uu dhaawaca soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Sida.