U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Askar Ka Tirsan Dowladda

Sheeko:Dalka

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun ku riday Laba Askari oo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka baxsadaan tababar ciidan oo loogu qaaday Dalka Turkiga.

Kaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in xeer ilaalintu kusoo eedeysay in Labadaan Askari ay ka baxsadeen tababarkii loo diray laakiinse lagu soo qabtay Hotel ay jiifeen.

Sidoo kale askartaan ayaa la sheegay in ay qirteen dambigooda, islamarkaana ay doonayeen in ay dalalka kale ee Yurub sii aadaan, waxaana lagu xukumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah.

Askarta la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo Haashim Cabdi Maxamed, waxaana u furan in ay racfaan ka qaadan karaan hadii aysan xukunkaasi ku qanacsaneyn.

Goobjoog News