U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukuntay Askari Dhac Geystay

Sheeko:Dalka

Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha  degmada Hodan  xilli uu dhac u  geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay  guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen  17-kii  bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta  weydiistay  Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay   soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane  Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay  dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha,waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa  u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba  galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan  dhaca dadweynaha.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo  uu ku dalban karo rafcaan.

Goobjoog News