U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay waxay xukunno kala duwan ku riddey eedeysanayaashii qaraxii 14-kii October 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaashan oo Shan ahaa ayaa ugu horreyn waxay maxkamadda dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Aadan Isaaq Cali, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, qeybta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka fulisa Muqdisho, mas’uulna ka ahaa Labadii qarax ee 14-October ka dhacay Muqisho, sidoo kalena lagu eedeeyay inuu gacantiisa ku waday gaarigii ku qarxay wadada danwadaagta ee Muqdisho.

Cali Ibraahim Absuge oo maqan waxay maxkamaddu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

C/weli Axmed Diiriye waxay maxkamadda ku xukuntay Saddex Sano oo xabsi ciidan ah.

Maxamadda ciidamada qalabka sida ayaa fasaxday Mukhtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali, kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Qaraxii 14- October 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey dad ka badan 600 ruux oo shacab ah.

Goobjoog News