U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Shaqsi Isku Qarxin Lahaa Hoggaanka Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa waxa ay xukun ku riddey shaqsi la sheegay in 23-kii May, 2019 ciidamada amniga qabteen isaga oo isku qarxin rabay hoggaanka Ahlu-sunna Waljameeca, xilli ay ku sugnaayeen munaasabad ka dhaceysay magaalada Guriceel.

Shaqsigan ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdiraxmaan, waxaana sidoo kale lala xukumay Cali Dhubad Nuure Siyaad oo la sheegay inuu sahmiyey halka ay ku sugnaayeen madaxda Ahlu-sunna, sidoo kalena uu halkaasi geeyey shaqsiga doonayey inuu is qarxiyo.

Labaduba waxay maxkamadda ku xukuntay xabsi daa’in , sida uu warbaahinta u sheegay Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News