U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Uganda oo Diidey Marqaatiyo uu Codsaday Sargaal AMISOM oo Dacwo Loo Heysto

Sheeko:Dalka

Col. Hassan KimbowaMaxkamadda ciidamada Uganda ayaa diidey in ay qiraal maxkamadda horteeda ka bixiyaan illaa 9 marqaati oo uu codsaday sargaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan kaasi oo maxkamadda u heysato in uu xaday shidaal badan oo loogu talogalay ciidamada AMISOM in ay hawgalada ku fuliyaan.

Col. Hassan Kimbowa waxa uu ka mid ahaa taliyeyaasha guutooyinka ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga, waxaa loo heystaa in uu leexsaday 2400 litir oo shidaal ah oo ciidamadu lahaayeen.

Xaakimka maxkamadda ayaa sheegey in dadka uu codsaday in loo yeero ay 7 ka mid ah yihiin baarayaashii dacwadda loo heysto sargaalka , islamarkaasina isaga soo xirey, munaasabna aysan ahayn in ay qiraal ka hor bixiyaan maxkamadda.

Qof kale oo ka mid ah marqaatiyada uu u yeertay sargaalka ayay maxkamaddu sheegtey in aanan loo yeeri karin maadaamaa uu yahay dublamaasi.

Balse waxa ay maxkamadda ogolaatay in ay u yeerto Brig. Michael Ondoga maadaamaa uu ahaa taliyihii xukumayay ciidamada Soomaaliya ee Uganda xiliga ay xatooyada dhacday.

Goobjoog News