U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Soo Gabagabeysay Ghageysiga Dacwadda Eedeysane Cali Maxamuud Axmed

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga eed ka dhan ah dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan Isgoyska Tarabuunka ku dilay Alle ha u naxariistee Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto bajaaj uuna dhaawacay muwaadin kale,falkan oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa dhageysatay marqaatiyaal ay shaqo wadaag ahaayeen eedeysanaha iyo baarihii Kiiska si isku mid ah ayaana loo dhaariyay,waxaana dhammaan dhinacyada dacwadda ay weydiiyeen su’aalo habraaca sharciga ee ay tilmaamayaan.

Muumin Cabdullaahi Xuseen ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu kulmiyay dhammaan astaamaha tilmaamaya dil ku talagal ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda oo qaadatay saacado badan.

“Dhageysiga la xiriira gar maqalka eedeysane Cali Maxamuud Axmed intaas ayuu ku dhammeystiran yahay,Maxkamadana ayaanna go’aan ka soo saari doonta,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Goobjoog News