U bood dhigaalka

Maxkamadda CQS Oo Sii Deysay Askar Dambi Lagu Waayey

Sheeko:Amniga

Saldhiga degmada Dharkeenley  ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka  Sida eedeyn ka dhan ah dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji  Bashiir, Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed  oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta  kuwaasi  oo ay soo gudbiyeen ciidanka degaanka Garasbaaley  oo   sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe  Garsuge ahaan si ay u soo dhammeystiraan caddeymaha  kiiska.

6-dii bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane,  waxaana saddex cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Booliiska Dharkeenley iyo Ilaalada deganka Garasbaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno  caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo  fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen  kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka degaanka  hasa-ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.