U bood dhigaalka

Maxkamadda Dambiyada ICC Oo Booqaneysa Isra’il iyo Daanta Galbeed

Sheeko:Dalka

Maxkamadda dambiyada adduunka ee loo yaqaano International Criminal Court  ayaa maanta waxaa ay booqasho lix maalmood ah uga bilaabaneysaa Isr’ail iyo Daanta Galbeed.

Waa Markii ugu horeysay oo wafdi ka socda maxkamadda ICC uu tago Is’ail iyo falastiin tan iyo markii Isra’il ay xasuuq ka geysatay Marinka Gaza 2014-kii.

Booqashada ayaa lagu sheegay mid la xiriirta arrimaha waxbarashada, wafdiga ayaa la kulmi doono madaxda labada dal ee Isra’il iyo Falastiin.

Dadka la socdo bariga dhexe gaar ahaa loolanka Falastiin iyo Isra’il waxaa ay la yaab ku tilmaameen sida maxkamadda ICC ay indhaha uga qabsan karto xasuuqii Isra’il ee Gaza 2014-kii, waxaa kaloo lagu eedeeyay in aaney tagi doonin xitaa marinka Gaza.

Goobjoog News