U bood dhigaalka

Maxkamadda Dastuurka ee Dalka Gabon oo Diidday Duristii Mucaaradka ee Natiijada Doorashooyinka

Sheeko:Caalamka

Makamadda Dastuurka ee dalka Gabon ayaa Jimcihii go’aan ka gaartay natiijada doorashooyinka iyadoo diidday duristii mucaaradka ee doorashooyinka dalkaas 27 August, taas oo ku guuleystay madaxweynaha hadda ee Ali Bongo.

Qoyska Ali Bongo ayaa dalka Gabon xukumayay Nus-qarnigii lasoo dhaafay iyadoo dalkani uu yahay mid qani ku ah wax-soosaarka naaftada.

Jean Ping, musharaxa mucaaradka ee doorashooyinka Gabon ee kaalinta Labaad ku soo baxay, sida ay guddiga doorashooyinka dalkaasi sheegeen, ayaa tilmaamay in natiijada doorashooyinka lagu shubtay isaguna uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee codka ku soo baxay.

Dhanka kale, go’aanka maxkamadda ka dib ayaa madaxweye Ali Bongo uu mucaaradka dalkiisa ugu baaqay in la iskugu yimaaddo wadahadal siyaasadeed, waxaanuu yiri; ” Waxaan ugu baaqay dhamaan siyaasiyiinta mas’uulka ah oo ay ku jiraan marashixiinta aanuu nasiibku u hiillin doorashooyinkii 27 August, iney iskugu yimaaddaan wadahadal siyaasadeed”.

Dalka Gabon ayaa waxaa ka jiray dhibaato iyo iska horimaadyo mucaaradka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweynaha Muslimka ah ee Ali Bongo iyadoo ay mucaaradku ku doodayeen in lagu shubtay doorashooyinkii dalkaa ka dhacay 27 Augusto-dii lasoo dhaafay.

Goobjoog News