U bood dhigaalka

Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun Ku Ridday Labo Qof oo Sheegtay Isirka Ilmo aaney Dhalin

Sheeko:Dalka

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa xukun ka soo saartay dacwad muddo sanad ah ka socotay maxkamadda oo ku saabsaneyd isirka Ilmayar oo ay isku haysteen Labo qoys oo mid walbaaba uu sheeganayay inuu isagu dhalay.

Dacwaddan ayaa go’aankeeda la soo saaray maalinimadii shalay ka dib markii wiilkan  oo ay da’diisu tahay 16 jir laga qaaday dhiigga hidde sidaha ee “DNA”, magaalada Nairobina lagu soo sameeyay baaritaanka hide sidahan.

Maxkamadda ayaa ilmaha u xukuntay Jawaahir Cabdi Diiriye iyo Aabbe Cabdirashiid Dirir Cali oo DNA lagu cadeeyay iney Ilmaha dhaleen 100%, maxkamaduna ay ku qanacday natiijada baaritaankaa la sameeyay oo ay kharashkiisa laga sii qaaday khasnadda maamulka, laguna soo dalacay dambiilayaasha ay maxkamaddu xukuntay.

Jaamac Maxmuud Aw-Cali  iyo Aasiya Mataan Maxamuud oo ilmo aaney dhalin sheegtay, ayaa maxkamaddu ku ridday xukun xarig iyo ganaaxba iskugu jira;

“Maxkamaddu waxay ku qanacday una aqoonsan tahay maanta oo bishu ay tahay 24.09.2016 Labada eedaysane ee aabbo Jaamac Maxamuud Aw-Cali iyo Aasiya Mataan Maxamuud dambiilayaan si badheedh ah u sheegtay Ilmo aaney dhalin, waxaa lagu xukumay min Saddex sano oo xarig ah iyo min ganaax dhan 3 milyan oo shilin Somaliland ah oo wada socda”, waxaa xukunkan soo saaray guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel.

Cabdirashiid Dirir iyo hooyo Jawaahir oo wiilka yar loo xukumay ayaa dareenkooda ka hadlay ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin xukunka maxkamadda iyo sheegay iney wiilkooda boqolaha ah lagu qabsaday taasina ay dhibaato ku ahayd markii hore.

 Goobjoog News