U bood dhigaalka

Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukuntay Saddex Ruux oo Naafo ah

Sheeko:Dalka

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa waxaa ay afartii bishan February ku xukuntay laba sano iyo lix bilood oo xadhig ah Cabdifataax Cali Cabdi, Khadar Cabdillaahi Yuusuf iyo Diiriye Cismaan Cabdi  oo ka mid ah naafada magaalada Hargeysa – sida Goobjoog News ay ku aragtay xukunka maxkamadda kasoo baxay ee summadiisu tahay MDH/DDL/963/017.

Cabdifataax Cali Cabdi, Khadar Cabdillaahi Yuusuf iyo Diiriye Cismaan Cabdi ayaa lagu eedeeyay in ay aflagaado iyo warar been abuur ah ka faafiyeen ururka naafada Somaliland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno SNDF.

Saddexdan ruux ee naafada ah ayaa hadda ku xidhan jeelka wayn ee magaalada Hargeysa, wallow xukunka ku dhacay ay racfaan ka qaateen.

Goobjoog News