U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dambi Ku Weysay C/raxmaan C/shakuur

Sheeko:Dalka

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay dowladda ku eedeysay qiyaano qaran.

Waxay maanta maxkamadda dhageysatay dacwaddii loo haystay Shakuur, waxaana halkaasi goob joog ka ahaa siyaasiyiin, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale.

Maxkamadda ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

Warkaan oo faah faasan goor dhow la soco.

Goobjoog News