U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Nugaal Oo Dhaqaalo La’aan U Xirantay

Sheeko:Dalka

Waxaa xiran oo aan shaqo ka socon xarunta Maxkamadda gobolka Nugaal, sababaha ay u xirantahay weli si cad looma oga.

Arrintan ayaa saameysay dad weynihii ay u adeegi jirtay maxkamaddu, kuwaasi oo loogu fulin jiray howlaha ku saabsan dacwadaha ay kala qabaan.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Garoowe, gaar ahaan dadweynaha ay kaga xanibantahay adeegga dacwadaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintan ay ka walaacsanyihiin.

Liibaan Maxamed Maxamuud waxa uu yiri “Xirnaashaha maxkamadda oo ah meel howl muhiim bulshada u heysa, waxaan ka rajeyneynaa maamulka sare ee dowladda in ay soo faro-geliyaan, waayo howlo badan ayaa nooga xiran maxkamadda”.

Axmed Siciid Ciise waxa uu yiri “Maxkamadda horteeda ayaan joognaa, saakay waxaan u imid dano iiga xirnaa dartood ayaan u soo aaday, markaan imid waxaa la yidhi waa ay xirantahay maxkamaddu”.

Bashiir Jaamac Xirsi oo isna ka mid ah dadka u soo garsoor tagay maxkamadda waxa uu yiri “Garsoorka waxa uu ka mid-yahay qeybta saddexaad ee xukunka dalka, waxaan codsanayaa dowladda in ay war kabixiso sababta ay maxkamaddu u xirantahay”.

Sababaha loo xiray maxkamadda ayaa dadka waxa ay ku tilmaameen kuwo la xiriira dhanka mushaaraadka.

Goobjoog News