U bood dhigaalka

Maxkamadda Rafcaanka Jasiiradda Siishalis oo Siideysey 3 Soomaali ah

Sheeko:Dalka

maxkamadda rafcaanka siishalisMaxkamadda rafcaanka ee jasiiradda Siishalis (Seychalles) ayaa xabsiga ka siideysey illaa 3 nin Soomaali ah oo lagu heystey falal burcad badeednimo, kuwaasi oo horey maxkamad kale ugu xukuntey xabsi dheer.

2 ka mid ah raggani ayaa lagu xukumey min 21 sano, halka midkoodna lagu xukumey 14 sano oo xarig ah.

Waxa ay qeyb ka ahaayeen rag 25 gaaraya oo ay soo qabteen ciidamadda dalka Holland ee xeebaha Soomaaliya ku sugan bishii Janaayo 2011-kii, kuwaasi oo 17 ka mid ah isla markiiba la siidaayay, 4 loo direy dalka Kenya, halka sedexdani iyo mid kale oo horey wax loogu waayay loo direy jasiirada Siishalis.

Maxkamadda rafcaanka ayaa canaanatay dacwad oogayaasha, kuna wargalisey in ay si wanaagsan isaga hubiyaan in qofka la xukumayo lagu hayo cadeymo ku filan.

Waxa kale oo ay maxkamadda amartay in raggani dalkoodii lagu celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana hawshani qabanaysa hey’adda ka hortagga dambiyada iyo daroogada ee Qaramada Midoobey oo iyadu maalgalisa maxkamadaha la saaro dadka lagu eedeeyo burcad badeednimada Soomaaliya.

Illaa 111 qof oo Soomaali ah oo lagu xukumey maxkamado ku yaala Siishalis ayaa lagu wareejiyey xabsiyo ku yaala Puntland iyo Somaliland, halka wali ay xabsiyada dalkaasi ay ku hareen illaa 41 maxbuus oo Soomaali ah.

25 ka mid ah kuwani ku jira xabsiga lagu magacaabo Montagne Posee ayaa lagu ridey xukuno kala duwan, lana filayaa in loosoo duuliyo Soomaaliya si ay ugu dhameystaan mudada xabsiga, 16 kale ayaa wali sugaya xukun maxkamadeed.

Goobjoog News