U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ku Riddey Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Badda

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Isniin ah waxay xukun dil toogasho ah ku riddey Gaashaanle sare C/naasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidanka badda Soomaaliyeed.

Xoosh ayaa ku eedeysnaa inuu si bareer ah u dilay taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada badda Saciid Aadan Yuusuf.

S/guuto Liibaan Cali Yarow, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo xukunkaan riday ayaa sheegay in ay raaceen xukunkii hore ee maxkamadda darajada Koowaad ku riddey Xoosh, kaasi oo ahaa dil toogasho ah.

Febraayo 20, 2018 ayaa maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida waxay xukun dil ah ugu riddey Gaashaanle Sare C/naasir Xiish, balse racfaan ayuu ka qaatay, iyadoo maantana laga gaaray go’aankii ugu dambeeyay.

Goobjoog News